Casrigii Passwords-ka oo Gabogabo Ku Dhow.. Waa Maxay Bedelkiisa Mustaqbalka?

0
924

Casrigii Passwords-ka oo Gabogabo Ku Dhow.. Waa Maxay Bedelkiisa Mustaqbalka?

Warbixin uu diyaariyay  qoraaga la yiraahdo Victor Tangermann laguna faafiyay website-ka “Futurism“, ayaa lagu caddeeyay in dunidu ay kasii guurayso casriga Passwords-ka, loolan guurayo casriga WebAuthn oo ah hab cusub oo baraha lagu gelindoono Mustaqbalka.

 

 

 

Sida dhabta ah waa war farxad leh, gaar ahaan marka aan ognahay in passwords-ka caadiga ah ee aan isticmaalno si sahlan loo jabsan karo, gaar ahaan horumarka computerka iyo taktikooyinka xogaha loo jabsado oo aad ku korortay.

 

 

 

Isbahaysiga “FIDO” ee teknolojiyadda oo ah isbaheysi ay iskugu yimaaddeen 48 shirkadood oo teknolajiyadda ka shaqeeya oo daafaha dunida ka dhisan ayaa waxay horumariyeen barnaamij cusub oo la yiraahdo <<Web Authentication>> ama <<WebAuthn>>  loo yaqaanno marka lasoo gaabiyo. sida ay sheegtay jariidada “Motherboard“, hadda waxaa la filayaa in qof kasta oo adeegsada website uu labo tallaabo iyo ka badan la weydiiyo si uu gudaha ugu galo bartiisa,  iyadoo ay suuraggal tahay in xogo kale oo dheeraad ah qofka la sii waydiiyo.

 

 

 

Qoraagu waxa uu leeyahay: “Inaad raacdo tallaabooyinka faraha badan waxay culeys ku tahay dadka isticmaala baraha, in Password-ka iyo Mobile-ka la isku xiro dadbadan ayay dhibaato ku tahay, waxaa qofka adeegsada mararka qaar ay ku keeni karta inuu bartiisa gaari waayo, haddii aanuu mobile-kiisu ka ag dhaweyn.”

 

 

 

Laakiin adeegsida barnaamijka WebAuthn waxa uu noqonayaa mid sahlan, xaaladaha qaar qofku uma baahna inuu tallaabooyin badan qaado.

 

 

 

WebAuthn waxa uu diyaar ahaa illaa 2014, laakiin xilligaa waxaan jirin apps-ka mobillada, hadda mobile-llada Smarts-ka ah waxay noqdeen kuwa u diyaarsan xisaabaadka Biometric-ga ah, sida; in qofka lagu aqoonsada farihiisa, wejiga, sidaa darteed; waxaa la gaaray xilligii la isticmaali lahaa barnaamijkan cusub.

 

 

 

Ugu dambeyn, qoraaga maqaalkan waxa uu tilmaamayaa in bedelka Password-ka habka uu hadda yahay ay lagama maarmaan tahay, si ammaanka baraha loo xoojiyo. Dadkana waa iney qaataan teknolajiyaddan casriga ah si faa’iidadeeda dadka ugu badan ay u gaarto.

Maandeeq FM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here