Weerar culus oo ka dhacay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar & Wararkii ugu dambeeyey

0
2157

Weerar culus oo ka dhacay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar & Wararkii ugu dambeeyeyida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle kooxda Alshabaab ayaa weerar Qarax ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamda AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka loo geliyay Kolonyada AMISOM ayaa qabsatay mid ka mida gaadiidka AMISOM oo khasaare xoog leh ay gaarsiiyey, waxaana goobtaasi ay ahayd degaanka Ilbaq oo ku dhow tuulada Haanta Sheekh ee u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.

 

 

 

Qaraxan ayaa ku soo aaday xili goobtaas ay degan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyadoo dhowaan lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsan Hirshabelle.

 

 

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib la sheegay inay xireen wadadda in muddo ah ayna joojiyeen gadiidka, iyadoo ciidamada ay baaritaan iyo socod lug ah ku mareen wadadda.

 

 

 

 

Lama oga ilaa hadda khasaaraha nafeed ee ciidamada AMISOM ka soo gaaray qaraxan balse  Al-shabaab ayaa weerarro joogto ka geysata wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here