qaabka Burcad-badeeda ku qaateen Lacag madax furasho ah oo ay ku daayeen Markabka MV Abdullahi

0
21

Waaberigii hore ee shalay oo Axad ahayd ayey Burcad-baddeed Soomaali ah waxay sii daayeen Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Bangladesh iyo Badmaaxiintii la socotay.

Mid ka mid ah Burcad-baddeeda oo magaciisa ku sheegay C/Rashid Yuusuf ayaa u sheegay Wakaallada Wararka REUTERS inay sii daayeen Markabka MV Abdullah iyo 23-kii Badmaax ee la socotay, kadib, markii la bixiyey Lacag madax furasho oo dhan $5 milyan oo Dollarka Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray in Lacagta Madax Furashada loo keenay 2 cisho ka hor, isla markaana ay iska hubiyeen Sugnaanshaheeda inay tahay Lacag rasmi ah iyo in kale.

Burcad-baddeedka la hadlay REUTERS waxa kale oo uu xusay inay Lacagta u kala qeybsadeen Koox-Koox, kadibna ay isaga huleeleen Markabkii, oo ay fasaxeen Badmaaxiintii u afduubnaa.

65-kii Burcad-baddeed waxay mid mid kaga soo degeen Markabkii, iyagoo xilli gudcur habeenimo ah ku baxsaday 9 Doonyaha dheereeya.
Dhanka kale, Warar ayaa sheegay in Diyaarad nooca Cessna ay Burcad-baddeeda badda saddex jeer ugu soo daadisay 3 Shandad oo ay Lacag ka buuxaan, waxayna Burcad-baddeedii oo la socday doonyaha nooca dheereeya ay la wareegeen Lacagtii hawada looga soo daadiyey.

Si kastaba, Shirkadda SR Shipping Limited ee leh Markabka MV Abdullah weli wax war rasmi ah kama soo saarin inay bixiyeen Lacago Madax Furasho ah oo lagu sii daayey Markabka iyo 23-kii Badmaax ee la socotay.

Wasiiru-Dowlaha Hawlaha Maraakiibta ee dalka Bangladesh, Khalid Mohamoud Chowdhury waxa uu isagana sheegay inaysan Dowladda ka war haynin warbixin ku aadan in Madax Furasho Lacageed lagu sii daayey Markabka Xamuulka ee MV Abdullah iyo Badmaaxiintii la socotay.