Trump oo guul lama filaan ah ka gaaray doorashada isreebreebka Xisbiga Jamhuuriga

0
38

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa guul weyn ka gaaray doorashada horudhaca ah ee isreebreebka xisbiga Jamhuuriga ee gobolka South Carolina.

Trump ayaa ka adkaaday gabadha la tartamaysay ee Nikki Haley, wuxuna gobolkan noqonayaa wadankii Trump oo ku tilmaamay guushiisii xalay mid cajiib ah.

Nikki Haley oo hadlaysay markii laga adkaaday ayaa sheegtay in Trump uusan u babac dhigi karin Joe Biden doorashada madaxtinimo ee la filayo in ay dhacdo Nofembar sanadka 2024.

“Ma aaminsani in Donald Trump uu ka adkaan karo Joe Biden” ayay tiri Nikki Haley oo Donald Trump kula tartamaysa doorashada horudhaca ah ee gudaha xisbiga Jamhuuriga.

Madaxweyne Joe Biden oo ka hadlay guushan uu gaaray Trump ayaa sheegay iney tahay mid aan rooneyn dhegaha dadka Mareykanka ee horumarka jecel.

“Donald Trump Wuxuu rabaa inuu dib noo celiyo Maalin walba, waxaan xusuusaneynaa halista Donald Trump uu ku hayo mustaqbalkeenna iyadoo dadka Mareykanka ay la tacaalayaan dhibaatadii uu ka tagay,” ayuu Biden ku yiri hadal uu sii daayay.