Dowlad Jarmalka oo shacabkeeda u fasaxday cabista daroogada xashiishka

0
33

Dowlad Jarmalka oo shacabkeeda u fasaxday cabista daroogada xashiishka

Baarlamaanka Jarmalka ayaa ansixiyay sharci cusub oo u oggolaanaya isticmaalka xashiishadda arrimo madadaalo ah.

Sharciga cusub ayaa u oggolaanaya dadka da’doodu ka yar tahay 18 jir ee Jarmalka inay haystaan ​​xaddi la taaban karo oo xashiishad ah. Si kastaba ha ahaatee sharciyo adag ayaa la soo saari doonaa si ay dadka ugu adkeeyaan iibsashada.

Sigaarka xashiishadda ee meelo badan oo caamka ah ayaa sharci ah gaar ahaan Goobaha dadweynaha, ugu badnaan 25 garaam qofkiiba waa la oggol yahay halka guryaha gaarka ah, ugu badnaan la oggol yahay 50 garaam.

Wasiirka caafimaadka ee Jarmalka Karl Lauterbach oo bilaabay dib u habayntan ayaa sheegay in isticmaalka xashiishadda ee dhalinyarada ay sii kordhayaan dhowr sano inkastoo ay jiraan sharciyo jira. Waxa uu sheegay in sharcigan uu noqon doono mid lagu cirib tirayo dadka ka ganacsada daroogada, laguna ilaaliyo kuwa hadda cabba xashiishadda wasakhaysan iyo in la carqaladeeyo faa’iidada ay kooxaha dambiyada abaabulan ka helaan iibinta xashiishadda. Si kastaba ha ahaatee, sharcigan lama filayo inuu horseedo korodhka dukaamada lagu cabo xashiishadda.

Inkastoo muddo sanado ah ay si weyn uga soo horjeesteen, haddana wasiirka caafimaadka Jarmalka waxa uu sheegay in xaaladda hadda dalku ku sugan tahay aysan ahayn mid la isku hallayn karo. Waxa uu sheegay in tobankii sano ee la soo dhaafay oo kaliya ay kor u kacday tirada macaamiisha isticmaala xashiishka ee da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 25 sano jir.

Cabista xashiishadda ee agagaarka dugsiyada iyo garoommada ciyaaraha waxay ahaanaysaa sharci-darro. Muhiimad ahaan, suuqa ayaa si adag loo nidaamin doonaa

Sharciga cusub ayaa sidoo kale u oggolaanaya furitaanka ururada aan ganacsiga ahayn ee loo yaqaan ” naadiyada bulshada xashiishadda ” inay koraan oo ay qaybiyaan xaddi xaddidan oo xashiishad ah.

Sharciga cusub ayaa sidoo kale u ogolaanaya Jarmalka in ilaa saddex geed oo xashiishad ah guriga lagu beerto

Dhowrka sano ee soo socda, dowladda Jarmalku waxay sheegtay inay qiimeyn doonto sharciga cusub ugu dambeyntiina ay soo bandhigi doonto iibinta shatiga xashiishadda.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa sheegay in sanadka soo socda haddii loo doorto dowladda inay gabi ahaanba meesha ka saarayaan sharcigan.