Sababta Putin uu u doortay Biden mar lala barbar dhigay Trump isaga oo horay ugu tilmaamay ‘gacan kudhiigle’

0
37

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu madaxweynenimada Biden ka door bidi lahaa madaxweynihii hore ee Trump.

Biden ayaa dad badan ka yaabiyay isagoo sheegay inuu yahay qof khibrad badan oo la saadaalin karo.

Ka hor inta uusan Donald Trump u tartamin madaxtinimada markii ugu horeysay, waxa uu Putin ku ammaanay shirkii Yurub ee 2016-kii, isagoo ku tilmaamay “mid adag oo karti leh.”

Biden ayaa sanado badan si weyn u dhaleeceeyay madaxweynaha Ruushka Putin, isagoo mar ku tilmaamay ” gacan ku dhiigle ” ka hor duullaankii Ukraine.

Putin waxa kale oo uu ka hadlay waraysigii uu dhawaan la yeeshay weriyaha Maraykanka ah ee Tucker Carlson, waxaana uu sheegay inuu aad uga xun yahay in su’aalahaasi aanay ahayn kuwo qaabaysan.

Wareysi uu siiyay TV-ga Ruushka Arbacadii, ayuu Putin ku sheegay in hoggaanka Biden uu u fiicnaan doono Ruushka, isagoo tusaale u soo qaatay inuu yahay “mid khibrad badan, mid la saadaalin karo, iyo siyaasi sal adag.”

Isaga oo diiday su’aalaha ku saabsan da’da Biden iyo awoodda maskaxeed, Madaxweyne Putin wuxuu sheegay inuusan dareemin wax ka duwan markii ugu dambeysay ee ay kulmaan seddex sano ka hor.

Isha: BBC SOMALI