Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay weli gacanta ku hayso maamulka hawada

0
32

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weli gacanta ku hayso maamulka hawada ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in hawada Soomaaliya uu ku yimid khal khal, wallow markii dambe Hay’adda Duulista ay beenisay warkaas.

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas uu shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa warbixin la xiriirta hawada Soomaaliya looga dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawwada.

Warsaxaafadeedka ka soo shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu yiri, “Golaha ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta howlaha duulimaadka dalka.”

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Xukuumadda ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay sheegatay in ay maamusho hawadeed, balse waxaa qaadacay Hay’adda Duulista Soomaaliyeed oo soo saartay warsaxaafadeed kaa soo u dhignaa sidatan, “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda lagu sii yiri, “Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR). Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee Class-A Airspace.”

Si kastaba ha ahaateen Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa bishii hore waxa ay hawada Soomaaliya ka celisay diyaar qaas ah oo la sheegay in ay saarnaayeen wafdi ka socday dalka Itoobiya kuna wajahnaa magaalada Hargeysa.