Nin gubi rabay xaaskiisa iyo Carruurtiisa oo saakay la qabtay iyo Faah Faahin laga bixiyay

0
61

Nin gubi rabay xaaskiisa iyo Carruurtiisa oo saakay la qabtay iyo Faah Faahin laga bixiyay

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saakay gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay in uu damacsanaa in uu dab qabadsiiyo xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amniga qabteen nin doonayay in gurigiisa ku gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa .

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka ninkan markii ciidamada ammaanka qabanayeen in uu watay bansiin iyo taraq uu doonayay in uu ku gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, waxa uuna xusay in falkaasi ciidamada kahor tageen xabsigana dhigeen ninka eedeysanaha ah.

“Saaka dhacdo kale ayaa jirto nin ayaa degmada Afgooye wuxuu isku dayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, gurigoodii isaga oo hortaagan oo dhibaatadaas inuu gaysta rabana ayaa hay’adihii amniga lala soo wadaagay, kadibna la qabtay” ayuu yiri Barre.

Lama oga ilaa hadda sababta ninkan ciidamada qabteen u doonayay in nolosha ku gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, booliiska oo kiiskan gacanta ku haya ayaana durba bilaabay baaritaano ku aadan falkan.

Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli wali bulshada Soomaaliyeed ka argagaxsan yihiin ninkii magaalada Muqdisho ku gubay kuna dilay xaaskiisa oo xaamilo aheyd iyo dhacdo kale oo nin ku gowracay xaaskiisa oo iyana ka dhacday degmada Qoryooley.