Tartankii dowlad goboleedyada ee Shalay furmay oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

0
47

Tartankii dowlad goboleedyada ee Shalay furmay oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Waxaa shalay oo Jimco aheyd magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo gobolka Banaadir, waxaana kulanka furitaanka ciyaaray Galmudug iyo Hirshabelle.

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu waday sida uu jadwalka dhigayay in ay wada ciyaaraan xulalka kala matelaya gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed, hasa ahaatee ciyaartaasi ayaa dib loo dhigay.

Sida aan xogta ku helnay maamulka Koonfur Galbeed u qaabilsan ciyaaraha ayaa dalbaday in ciyaartan dib loogu dhigo, waxa ayna soo bandhigeen tabashooyin gaar ah ay qabaan, iyadoona ciyaartan dib loo dhigay ilaa Isniinta.

Waxaa sidoo kale jira cilad shalay ka dhalatay Appka laga jaranayo tikitka ciyaarta, iyadoo ay jireen taageerayaal badan oo iibsaday tikidho ,kuwaa oo haddana u suurta geli weysay in garoonka galaan oo ciyaarta daawadaan.

Qoraal xiriirka kubadda cagta arrimahan kasoo saareen ayaa u qornaa sida tan:

Guddiga Farsada Iyo Tartamada Ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed , Iyo Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha JFS ,

Waxay Raaligelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan bahda Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarti shalay galab Ku Timid , Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay.

Ugu Dambeyn Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Waxa uu idin Ku Wargelinayaa in Cayaarta maanta Ee Banaadir VS Koonfur Galbeed dib loo dhigay lana Cayaari Doono Maalinta Isniinta 1da Janaayo 2024.

Jadwalka oo Faahfaahsana dib idin kula soo wadaagi doonaa Mahadsanidiin.