Ugu yaraan 12 ruux oo ku geeriyootay Duqeynta Ciidanka Israaiil ay ku beegsatay Khan Younis.

0
54
Smoke and explosions caused by Israeli bombardment are seen on the horizon in northern Gaza, Saturday, Oct. 28, 2023. (AP Photo/Abed Khaled)

Ugu yaraan 12 ruux oo ku geeriyootay Duqeynta Ciidanka Israaiil ay ku beegsatay Khan Younis.

Ciidamada Yuhuudda ah ayaa si indha la’aan ah u wada duqeymo xooggan oo ay ku beegsanayaan qaybo badan oo kamid ah Khan Younis waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyootay saacadihii lasoo dhaafay ugu yaraan 12 ruux halka ay dhaawacmeen 25 kale.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka badan kara inta hadda la shaaciyay waayo duqeynta Israaiil weli waxa ay ku socotaa Xaafado badan oo ay degen yihiin Dadka rayidka ah kuwaas oo kamid ah guryaha fara-kutiriska ah ee ka taagan Magaaladaas.

Maamulka Isbitaalka Al-Nasser ayaa sheegay in Dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray oo u badan Carruur la geeyay isbitaalkaas si looga daweeyo waxyeellada kasoo gaartay duqeynta arxan-darrada ah ee ciidanka Cadawga ah ee Yuhuudda ku beegsatay.

Dhinaca kale mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Ciidanka Israaiil ay si bareer ah u beegsanayaan Iskuullo hoostaga UN-ka kuwaas oo wax lagu baro Carruur da’ ahaan aad u yar maadaama aanay ehelkoodu u awoodin in ay bixiyaan lacagaha laga rabo.

Waxa ay mas’uuliyiintaan ku tilmaameen Israaiil in ay gaysatay fal-dambiyeed noocyo kala duwan sababtuna ay tahay in ay beegsatay goobaha ka caaggan ama ka reeban in lagu dagaalamo ama lagu qaado weerar.

Cambaareynta & eedeynta afka ah ee Israaiil loo dirayo kama reebin in ay sii kordhiyaan xad-gudubyada ay ka geysaneyso Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaza iyada oo beegsatay Isbitaallo, Goobo Waxbarasho, Xeryo Barakac & meelo birimageedu ku badan tahay.

Israaiil ayaa guuldarro iyo niyad-jab wayn kala kulantay dagaalka tooska ah ee Xamaas kala hortagtay Taangiyada lacagta badan ay kasoo bixisay, Hubka lagu sheego in uu yahay mid casri ah & Askarta muddo dheer ay ku goodinaysay in ay haystaan tababar heer sare ah.