FITAMIIN A: Faa’idadiisa Iyo Cunnooyinka Uu Ka Buuxo

0
174

Fitamiin A waxa uu muhiim u yahay caafimaadka indhaha, wuxuu xoojiyaa aragga, wuxuu awood siyaa difaaca jirka, wuxuu kaloo ka qeyb qaataa daryeelka ilkaha, lafaha iyo maqaarka. Fitamiinkan waa sunsaare awood badan sidaas awgeed waxa u muhiim u yahay ka hortagga cudurrada.

Qofka markuu ku yaraado waxa ugu horreeyo ee lagu dareemo waxaa ka mid aragga oo daciif noqdo khaas ahaan xilliyada mugdiga sida habeenka oo kale. Waxaa fitamiinkaan laga helaa korootada, bocorka, babaayga, cambaha, baradhada macaan, khudradda cagaaran, beerka, kalluunka, caanaha iyo ukunta.

Faa’idooyinka caafimaad ee fitamiin A:
Kobcinta caafimaadka indhaha:
Faa’idada ugu wayn ee fitamiin A waa inuu ilaaliyo aragga indhaha islamarkaana uu kordhiyo awoodda aragga maadaama uu ka shaqaysiiyo maadada muhiimka u ah isha ee ay u baahantahay ee loo yaqaanno “rhodopsin” oo isha u qaabilsan aragtida midabka. Maadada beta-carotene oo ah nooc ka mid ah fitamiin A waxay ka hortagtaa dhaawaca sonkorta isha ay gaarsiiso, caadka indhaha fuula, iyo xanuun kale oo ku dhaca indhaha kaas oo loo yaqaan “Macular Degeneration”, xanuunkani waxa uu yimaadaa qofka markuu duqoobo. Xanuunnadan waxay ka mid yihiin kuwa aragga lumiya.

Xoojinta difaaca jirka:
Fitamiin A waxa uu door wayn ka ciyaaraa caawinta difaaca jirka, wuxuuna faa’ido u leeyahay ka hortagga xanuunnada, waxa kaloo uu kordhiyaa soo saa saarista iyo shaqada unugyada dhiigga cad, taas oo caawisa in bakeeriyada iyo fayryaasyada laga saaro dhiigga. Fitamiin A oo jirka ku yaraada waxay kordhisaa fursadda in awoodda difaaca jirku ay hoos u dhacdo iyo isbedel ku yimaadaa shaqada unugyada difaaca jirka. Tani waxay kordhinaysaa halista infekshanadda waxayna daahinaysaa qofka inuu xanuunnada ka buskoodo.

Ka hortagga kansarka:
Daraasado la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in fitamiin A uu hoos u dhigo khatarta noocyo cudurka kansarka ka mid ah sida kansarka sambabada iyo kansarka afaafka ilmo-galeenka.

Kobcinta caafimaadka wadnaha:
Fitamiin A, waxa uu yareeyaa heerka dufanka dhiigga iyo halista xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Caafimaadka lafaha:
Fitamiin A ku filan oo jirku uu helaa waxay lagama maarmaan u tahay koriimada iyo kobaca lafaha, fitamiin A yaraantuna waxay keentaa in caafimaad xumo ay la soo deristo lafaha.

Caafimaadka uurka:
Cunno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo lacuna xiliga uurka waxay sara uqaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, Fitamiin A waxa ka mid yahay fitamiinnada u wanaagsan hooyada uurka leh, waxa uu ka qayb qaataa koriimada iyo kobaca uurjiifka.

Fitamiin A yaraantu waxay keenta dibno qallayl, difaaca jirka oo daciifa, koriimo xumada caruurta iyo indho beelka habeenkii.

Caafimaadka maqaarka:
Fitamiin A waxa uu la dagaallamaa finanka iyo laalaabka maqaarka, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jirka oo la marsado maadada “Retinol” ay aad u yarayso laalaabka maqaarka. Retinool waa maaddo laga soo dheego Fitamiin A, waxayna si weyn u caawisaa dib u cusboonaanta unugyada iyo in jirku soo saaro maadadda Collagen, sidaa awgeed ayayna maqaarka ka dhigtaa mid aan isku dhacsanayn, oo giijisan. Marka aad kiriimada wejiga iibsanayso xasuusnoow in aad iibsato kuwa leh ama ka samaysan maadadda Retinol.

Waa maxay ku sumowga fitamiin A?
Haddii aad la iskaga badiyo vitamin A waxaa uu isku beddelaa sun wuxuuna sababaa ciddiyo jajab, timo daadasho, cirrid xanuun, matag iyo isbdello ku yimaada maqaarka iyo aragga.