Qoysas horleh oo ka barakacay Daadadka ka dhashay Roobka Dayrta oo ka da’ay Magaalada Baydhabo.

0
99

Qoysas horleh oo ka barakacay Daadadka ka dhashay Roobka Dayrta oo ka da’ay Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo saacadihii u dambeeyay uu ka da’ay roobka Dayrta waxaa ka dhashay daadad xooggan oo sababay in ay barakacaan qoysas horleh.

Xaafadaha qaar waxaa ka sare maray Daadadka Roobka Dayrta halka guryaha qaar ay dumiyeen biyaha badan ee xareedda, taasi waxa ay dad badan ku qasabtay in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan meelaha daadadkaas ka badqaba.

Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Baydhabo ee barakaca sameeyay ayaa sheegay in keliya naftooda ay kala baxsanayaan si aanay ugu qarqamin daadadka roobka Dayrta oo saameynta taban ku reebay guryahooda.

Xildhibaanno, Wasiirro iyo mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dalbaday gargaar degdeg ah oo lala gaarayo qoysaska guryahooda isaga baxay iyaga oo gacma maran si ay u helaan waxyaabaha aasaasiga ah sida deegaan, cunno & daryeel caafimaad.

Adeegga Korontada qaybo kamid ah Magaalada Baydhabo gaar ahaan deegaannada saameyntu ku reebeen Daadadka ayaa maqan kaddib markii matoorada loo damiyay Badbaadinta Dadka maadaama biyuhu si fudud u gudbin karaan danab ama koronto.

Weli lama soo sheegin khasaara dhimasho oo ka dhashay Daadadka Roobka Dayrta, waa markii labaad tan iyo bishii hore ee Oktoobar 2023 oo sidaan oo kale daadad ugu rogmadaan xaafado kamid ah Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Bay.