Isreal oo duqeyn ku dishay dad Dhaawac ah oo loo qaadi rabay dalka Masar

0
42

Isreal oo duqeyn ku dishay dad Dhaawac ah oo loo qaadi rabay dalka Masar

Diyaaradaha dagaalka Isreal ayaa duqeyn culus ka geestay meel ku dhaw isbitaalka Al Shifa ee kuyaalla magaalada Gaza, waxaana duqeyntaasi ku dhintay dad shacab dhaawacyo qabay .

Duqeynta ayaa lala beegsaday gaari nuuca gurmadka deg dega oo xilligaasi waday dad qaba dhaawacyo culus, kuwaa oo la doonayay in loo qaado xadka dalka Masar si halkaasi looga sii gudbiyo una heleyn daaweyn.

Inta la xaqiijiyay 15-qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay duqeynta lala eegtay gaariga amplaasta ah, waxaana duqeyntaasi dadka ku dhintay qaarkood ahaayeen kuwa markii hore qabay dhaawacyo culus .

Afhayeen u hadlay wasaaradda Caafimaadka Gaza Ashraf Al-Qudra ayaa sheegay in Isreal duqeyn ku dileen dhaawacyada dad shacab ah oo la doonayay in loo qaado dalka Masar, waxa uuna xusay in weerarkaan shacabka lagu laayay uu ahaa mid ula kac ah .

Dhinaca kale Isreal ayaa sheegtay in gaariga ampalaasta ah ay duqeeyeen ay adeegsanayeen ururka Xamaas, warkaas ayaana u muuqda mid Isreal ay qiil ugu dayayaan dadka shacabka ah ay laayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here