Dadka ku dhintay Duqeynta Gaza oo kor u dhaaftay 8,000 oo qof.

0
106

Dadka ku dhintay Duqeynta Gaza oo kor u dhaaftay 8,000 oo qof.

Saacadba saacadda ka dambeysa waxaa sii kordhaya dadka loo diiwaangeliyay in ay ku geeriyoodeen duqeynta arxan-darrada ah ee Israaiil ay ka geysaneyso Magaalada Gaza taasi oo sare u qaadday Dadkii horay loo diiwaangeliyay.

Inkasta oo ay jiraan Dad Hilibkoodu uu go’go’ay oo xitaa la aqoonsan waayay haddana waxaa goobaha gaarka ah ee loogu talagalay in la dhigo Maydadka waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 8,000 oo ruux oo u badan Haween, Carruur & Dad kale oo rayid ah.

Dhimashadu waa mid marweliba kasii kordhi karta tiradaan diiwaanka galay iyada oo Dadka ugu badan ee naftooda ku waayay ay ku sugnaayeen guryahooda oo gantaallo culus iyo hub adeegsigoodu la mamnuucay loo adeegsaday.

Dadka dhaawaca loo diiwaangeliyay waxa uu ka badan yahay 20,000 oo ruux oo lagu daweynayo Goobaha Caafimaadka oo ay ka jirto nolosha adag sida in korontada, Biyaha iyo Gargaarka laga jarjaray.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here