Madaxweynaha Iiraan Oo Sheegay In Israa’iil Ay Dhaaftay Xariiqda Cas, Taas Oo Qof Kasta Ku Qasbaysa In Uu Tallaabo Qaado

0
51

Madaxweynaha Iiraan Oo Sheegay In Israa’iil Ay Dhaaftay Xariiqda Cas, Taas Oo Qof Kasta Ku Qasbaysa In Uu Tallaabo Qaad

Madaxweynaha wadanka Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa bartiisa X (Twitter) qoraal uu dhigay ku yiri “Washington waxay na waydiisanaysaa in aynaan waxba sameyn, laakiin taageero ballaaran ayay siinayaan Israa’iil. Maraykanku waxay fariimo u dirayaan tiirarka wax iska caabinta, laakiin fariin cad ayay ka helayaan goobta dagaalka.”

“Tiirarka wax iska caabinta” waa isku xir u taagan kooxaha ay Iiraan taageerto ee mandiqadda bariga dhexe oo ay Xamaas ku jirto.

Madaxda Maraykanka ayaa uga digay Iiraan in ay ku lug yeelato dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, si looga baaqsado dagaal ballaaran oo mandiqada ka qarxa.

Ururka Xisbullah, oo saldhigiisu yahay Lubnaan, sidoo kalena ay taageerto Iiraan ayay gantaallo is waydaarsanayeen Israa’iil todobaadyadii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here