22 qof oo ku dhimatay Mareykanka kaddib toogasho wadareed ka dhacday gobolka Maine

0
76

22 qof oo ku dhimatay Mareykanka kaddib toogasho wadareed ka dhacday gobolka Maine

Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu toogasho ka geystay gobolka Maine ee waqooyi bari ee dalka Mareykanka.

Boqollaal ka tirsan ciidamada booliska Mareykanka ayaa baadi goobaya ninka loo haysto inuu ka dambeyay weerarkii ka dhacay magaalada Lewiston ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa baahiyay sawirrada ninka lagu tuhmayo in weerarka uu ka dambeyay, waxaana shacabka loogu baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii loo soo qaban lahaa edaysanaha.

Robert Card, oo ah ninka lagu eedeynayo weerarka ayaa la sheegay inuu yahay nin ku xeel arrimaha dhanka hubka oo ay ciidamada Mareykanka ku tababareen magaalada Saco ee gobolka Maine, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here