Nigeria oo dagaal xooggan la galaysa Dadka shidaalka ka xada Dhuumaha mara Koofurta Dalkaas.

0
97

Nigeria oo dagaal xooggan la galaysa Dadka shidaalka ka xada Dhuumaha mara Koofurta Dalkaas.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay dagaal xooggan la galayso dadka ku howlan in ay lacago badan ka sameeyaan shidaalka laga xado dhuumaha qaada ee mara Gobolka Delka ee dhaca Koofurta Dalkaan cirifka Waqooyi u xiga Qaaradda Afrika.

Xogaha dhuumaha shidaalka ee laga xadayo Gobolka Delka ayaa lagu ogaaday kaddib markii marar badan ay dhaceen qaraxyo ay sameeyeen dhuumahaas shidaalka qaada oo ugu dambeyn dabagal lagu sameeyay.

Dhacdadii ugu dambeysay waxaa ku dhintay 15 qof oo kamid ah dadka dhaqaalaha badan ka sameeya shidaalka la xado ee sharci darrada ah halka ay jiraan Dad kale oo dhaawac soo gaaray oo lagu daweynayo goobaha Caafimaadka.

Hay’adaha ammaanka Nigeria ayaa sheegay in Koofurta Dalkaas ay kusii kordhayaan burcadda dhaawaca u geysaneysa Dhuumaha Shidaalka qaada si ay u helaan meelaha ay ka dhiijin karaan shidaalkaas oo ay rabaan in si suuq madow ah usii iibiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here