Faa’iidada Toonta Iyo Caanaha La Isku Daro Iyo Xanuunnada Lagu Daaweeyo

0
339

Faa’iidada Toonta Iyo Caanaha La Isku Daro Iyo Xanuunnada Lagu Daaweeyo

Toontu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u tiro badan, inta badanna iyada u gaar ah. Waxa aana loo adeegsadaa daawo dhaqameed iyo xitaa daawo casri ah labadaba. Qoraalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa faa’iidooyinka toonta iyo caanaha la isku daro iyo qaabka loo diyaariyo.

Toonta oo caanaha lagu darsado waxay ka mid tahay qaababka ugu dhadhanka wanaagsan ee aad u isticmaali karto toonta.

Dhabar xanuunka Sciatica:
Sciatica waa marxalad timaada markii uu dhaawac soo gaaro shaqada neerfaha sciatic, waxaana ay caan ku tahay xanuun darajadiisu u dhaxayso meel dhaxaad ilaa xanuun saa’id ah oo ay adagtahay in la xamilo. Marxaladaan ayaa sidoo kale caan ku ah awood yari soo wajahda dhaqdhaqaaqa lugaha iyo fadhiga oo aan caadi loo fadhiisan Karin, amaba dareenka oo ka luma lugaha. Cabitaanka toonta iyo caanaha la isku daro waa hur-bi’iye iyo xaanuun baabi’iye, waana daawo-guri uroon dhabar xanuunka sciatica.

Cudurka neefta (asthma):
Cabitaanka toonta iyo caanaha oo la cabbo habeen kasta waxay dejisaa calaamadaha cudurka neefta ama asmada.

Kolestaroolka:
Toonta waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka xun ee loo yaqaano “LDL”, waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka loo yaqaano “Triglyceride” oo wadnaha u daran, waxaa jiro dhowr daraasadood oo ku talinayo in kolestaroolka lagu xakamayn karo cunista toonta joogtada ah.

Oof Wareen:
Oof Wareen-ku waa xanuun ku dhaca sambabada kaas oo uu keeno inta badan caabuq haleela qaybta hoose ee hawe mareenka. Cabbista cabbitaanka toonta iyo caanaha maalintii 3 jeer ayaa lagu daaweyn karaa caabuqa sambabka.

Jooniska (Jaundice):
Daawadan toonta iyo caanaha oo la isticmaalo ugu yaraan shan maalmood ayaa caawisa daaaweynta cudurka jooniska. Cabbitaaankan waxaa uu sunta ka nadiifiyaa beerka. Toonta waxay sare u qaadaa dheecaan burburiyaha beerka uu soo daayo taasoo keenayso in qashinka si sahlan loo saaro

Xubno xanuunka:
Xubno xanuunku wuxuu dhacaa marka laabatooyinka jirkaagu ay bararaan ama carjawda laabatooyinku ay baaba’an. Isticaalka cabbitaanka toonta iyo caanaha la isku daro waxaa uu hoos u dhigaa xubno xanuunka iyo hurka.

Hargabka iyo ifilada:
Toonta waxay daawo iyo ka hortagba u tahay hargabka, toonta waxaa ku jira maaddo la yiraahdo “allicin”, maadadaan oo shaqo joojin ku samayso dheecaan feyraska iyo bakteeriyada ay kaga faa’ideestaan in ay xanuuno dhowr ah ku ridaan qofka, xanuunadaas oo ay ka mid tahay Hargabka, marka waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in toonta lagu darsado caanaha aadna loo badsado xilliyada uu hargabku badan yahay. Isku darka toonta iyo caanaha waxa uu xoojiya difaaca jirka.

Tiibishada Sambabada:
Toonta waxaa ku jira maadooyin si weyn ula dagaalama tiibishada ama qaaxada sambabada.

Hurdo la’aanta:
Toonta waxaa ku jira maadooyinka qofka dejiya, isku-darkaan toonta iyo caanaha waxuu uroon yahay hurdo la’aanta.

Caafimaadka wadnaha:
Khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in toontu ay la dagaalanto xanuunnada wadnaha ku dhaca, in ay dhiig-karka dejiso, in ay ka hortagto in xididdada dhiiggu xidhmaan ama uu dhaca waxa loo yaqaanno dhiig-furanka maskaxda ee faaligga keena iyo guud ahaanba xanuunnada ku dhaca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga, waxa ay jirka ka yaraysaa dufanka dhibta keena (Kolestaroolka).

Qaabka diyaarinta:
Isku kari labo koob oo caano ah iyo 10 laagood/gabal oo toon ah adigoo isticmaalaya dab dhex dhexaad ah, ku darso hal qaaddo oo malab ah kadibna cab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here