Dowladda Ingiriiska oo feejignaan ka gashay weerarro laga digay in dalkaas ka dhici karaan.

0
230

Dowladda Ingiriiska oo feejignaan ka gashay weerarro laga digay in dalkaas ka dhici karaan.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay feejignaan dheeraad ah ka gashay weerarro ka dhici kara dalkaas oo u geysan kara khasaara xooggan sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladdaas oo faah-faahin hordhac ah bixiyay.

Xoghayaha arrimaha Dibadda Britain Suella Braverman oo ka duuleysa hadalkaas ayaa sheegtay in halista ugu weyn ee Ingiriiska ay uga imaan karto ‘Dadka Muslimiinta ah’ oo ay ku sifeysay in ay geysan karaan weerarro ‘Argagixiso’.

Ruushka ayay sheegtay in uu yahay cadawga ugu weyn ee doonaya in uu ka aarguto Dowladda Ingiriiska oo garab weyn u muujisay Dalka Ukraine si ay isaga caabbiso Ciidamada Moscow ee duullaanka ku qaaday dalkaas 24kii Febaraayo 2022.

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa ka carooday hadalka kasoo yeeray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Suella Braverman iyaga oo ku tilmaamay in ay toosh ku ifineyso si loo beegsado Dadkaan.

Ingiriiska waxa uu safka hore kasoo galay waddamada Yurub ee Dhalinyarada ugu badan ku biireen Daacish intii u dhaxeysa 2014 illaa 2019kii iyada oo qoysaskooda oo weli ku nool dalkaas ay dareemayaan culeys xooggan oo uga imaaneysa bulshada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here