Dhismo caan ka ah magaalada London oo qeyb kamid ah Masjid laga dhigayo

0
377

Dhismo caan ka ah magaalada London oo qeyb kamid ah Masjid laga dhigayo

Bilyaneer reer London ah ayaa helay ogolaansho uu ugu baddalo qayb ka mid ah dhismaha caanka ah ee Trocadero ee ku yaal bartamaha magaalada London masaajid iyo xarun islaami ah.

Maalqabeenka Asif Casiis oo asal ahaan aka soo jeeda Malawi, ahna 56 jir, ayaa ku iibsaday dhismahan caanka ah in ka badan $287.7 milyan oo doolar sanadkii 2005-tii, wuxuuna joojiyay qorshe uu ugu beddelayo masaajid qaadi kara 1,000 qof sanadkii 2020 ka dib cabasho ka timid kooxaha midigta fog iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Xildhibaanka Matthew Green, oo xubin ka ahaa golaha wasiirada ee ganacsiga iyo qorsheynta, ayaa yiri xilligas: “Waxaan kuwan u aragnaa cunsuriyiin, hadalada naceybka ah inay yihiin kuwo aad looga soo horjeedo, waxaanuna mar walba u dhaqaaqi doonnaa sidii loo hubin lahaa in sida ugu dhaqsaha badan hoos loogu dhigo.”

Balse bishii Maajo ee sannadkan 2023, waxa uu helay ogolaansho uu ku dhiso masaajid qaadi kara 390 qof, kaas oo lagu magacaabi doono “Piccadilly Prayer Space.”

Wararka ayaa sheegaya in la filayo in dhowr bilood gudahood lagu daah furo masjidka.

Hay’adda gargaarka ee Aziz oo uu aasaasay Asif Aziz ayaa dooneysa in masaajidku u adeego dalxiisayaasha iyo muslimiinta ka shaqeeya aagga uu masjidku ku yaal.

Dhismahan ayaa markii u horeysay la furay sannadkii 1896, waxaana laga dhigay makhaayad ka hor inta aan la xirin markii ugu horreysay sannadkii 1965, balse waxa loo rogay meel lagu soo bandhigo alaabta sannadkii 1984-kii, waxay sidan u ahayd shirkadaha Pepsi iyo Sega. 1997 waxay noqotay hoyga shineemadii 3D IMAX ee ugu horeysay oo laga hor geliyo Ingiriiska.

Waxaa dib loo yareeyay sannadkii 2011, waxaana qeyb ka mid ah dhismaha dib loogu furay hoteel ahaan saddex sano ka hor.

Shirkadda Asif ee Criterion Captital ayaa ku faanta 15 dhismo ganacsi oo ku yaal Galbeedka London, Docklands iyo Croydon, iyadoo Mr Aziz uu leeyahay oo maamulayo faylalka hantida £3.6bilyan ee magaalada London iyo Koonfurta Bari ee England.

Sanadihii la soo dhaafay, dambiyada nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta ayaa ku soo badanayay gudaha Boqortooyada Ingiriiska, waana sababta keentay in dhismahan masjid weyn loo badalo sida qorshuhu ahaa.

Sannadkii 2022 oo keliya, tirada dembiyada nacaybka diineed ee ay booliisku diiwaangeliyeen ee lagu bartilmaameedsaday Muslimiinta waxay ahayd 3,459, taasoo ah koror 42% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here