Mareykanka oo xoogga saaraya dib usoo celinta xiriirka Sacuudiga.

0
164

Mareykanka oo xoogga saaraya dib usoo celinta xiriirka Sacuudiga.

Mareykanka ayaa xoogga saaraya sidii uu dib boorka uga jafi lahaa xiriirka liita ee ka dhaxeeya maamulka Madaxweyne Joe Biden iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya maadaama Xukuumadda Riyaad ay ka jeesatay dhanka Washington.

Tallaabooyin caro-geliyay Mareykanka ayuu qaaday Sacuudiga kaddib markii uu xoogga saaray xiriirka kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo tartan dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda & ciidanka kala dhaxeeya Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu safar ku tago boqortooyada Sacuudiga, waxa uu ujeedkiisu yahay dib usoo celinta xiriirka labo geesoodka ah ee labada Dal.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Mareykanka Jake Sullivan ayaa dhawaan safar ku tegay boqortooyada Sacuudi Carabiya iyada oo lagu sifeeyay socdaalkaas mid aanay wax natiijo ah kasoo bixin.

Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ayaa xiriir wanaagsan lahaaa waddamada Carabta balse maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa la kowsaday dalkaas oo dhabarka jeediyay gaar ahaan Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here