31,688 Arday oo maanta u fadhiisatay Imtixaanka fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe.

0
183

31,688 Arday oo maanta u fadhiisatay Imtixaanka fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta daahfuray Imtixaan sanadeedka Dugsiga Dhexe (Fasalka 8aad) oo ay u fadhiisteen 31,688 (Soddon iyo kow kun, lex boqol, siddeetan & siddeed) Arday.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay Furitaanka Imtixaanka ayaa Ardayda u rajeeyay in ay guul ka gaaraan isaga oo ugu baaqay in ay kordhiyaan dedaalkooda iyo hamigooda waxbarashada.

“Waxaa maanta farxad inoo ah in aan imtixaankii siddeedaadka aan ka daah-furnay Iskuulka Baarbe ee dharkeynley ku yaallay in aan ka daahfurno fursad ayay inoo tahay Imtixaankii waa inoo furan yahay, ubadkana waxa aan ilaahey ugu baryeenaa in uu u fududeeyo, marka ay 30 kun oo Arday oo 13 kun oo kamid ah ay gabdho yihiin waxaa mooddaa in ay iska daba-dhaw yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Imtixaan sanadeedka Dugsiga Dhexe ee fasalka 8aad ka qaada Ardayda halka Fasalka 12aad ee Dugsiga sare ay gaar u maamusho Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here