Ugu yaraan 9 ruux oo ku dhimatay isku dhac ka dhacay Senegal.

0
149

Ugu yaraan 9 ruux oo ku dhimatay isku dhac ka dhacay Senegal.

Ugu yaraan 9 qof ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen tiro kale kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada dalka Senegal iyo taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka ee lagu magacaabo Ousmane Sonko oo lagu eedeeyay in uu musuq sameeyay.

Maxkamad ayaa xukun ku ridday hoggaamiyahaas mucaaradka ah oo ugu dambeyn ay ka caroodeen taageerayaashiisa oo sameeyay rabshado isku dhacyo ah oo kala hortageen ciidamada ammaanka Dalka Senegal.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Senegal ayaa wax laga xumaado lagu tilmaamay isku dhacaas iyo waxyeellada ka dhalatay iyada oo Dadka ay ugu baaqday in ay is dejiyaan kana fogaadaan wax weliba oo rabshadaha kordhin kara.

“Waan ka xunnahay rabashadaha sababay burburka hantida guud iyo kuwa gaarka ah, waa nasiib darro in 9 ruux ay ku dhintaan Magaalada Dakar & Ziguinchor, waa in xaaladda la dejiyo lagana fogaado dhibaatooyin kale in la abuuro” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Senegal Antoine Diome.

Ousmane Sonko ayaa kasoo muuqday doorashadii Madaxtooyada ee Senegal 2019 isaga oo kaalinta saddexaad kasoo galay, waxaa muddooyinkii dambe loo heystay in uu sameeyay musuq maadaama uu kamid ah shaqaalaha Dowladda inkasta oo uu iska beriyeelay eedeyntaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here