Soomaaliya oo la wareegtay Hoggaanka kormeerka joogtada ee Midowga Afrika ee QM

0
89
The United Nations Security Council meets at the U.N. Headquarters in New York on Thursday, Sept. 22, 2022. The agenda for the Council’s meeting is Russia’s apparent impunity in the war, and the session was scheduled for this week to draw attention to Ukraine during the annual gathering of world leaders at the U.N. General Assembly, according to Nicolas de Rivière, France’s ambassador to the United Nations. (Haiyun Jiang/The New York Times)

Soomaaliya oo la wareegtay Hoggaanka kormeerka joogtada ee Midowga Afrika ee QM

Soomaaliya ayaa la wareegtay guddoomiyaha meertada ah ee Xafiiska Kor-joogtada Ergada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Baalle oo xilkan qaban doona ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo xarunta Qaramada Midoobay, isaga oo diiradda ku saari doona shaqada hortaal iyo xilka cusub ee Soomaaliya ay la wareegtay.

Xafiiska ay uu la wareegay Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Baalle ayaa shaqadiisu tahay in uu si guud uga shaqeeyo aragtida iyo danaha wufuudda dalalka Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Shaqada Ergada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay ayaa ah isku xirka xiriirka diblomaasiyadeed ee xafiiska joogtada ah ee Afrika ee Qaramada Midoobay, waxa uu sidoo kale wakiilka Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay ka shaqeyn doontaa horumarinta iyo ilaalinta xiriir wax ku ool ah oo ka dhexeeya Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here