Maxaa kordhiyay Xiriirka Shiinaha iyo Taliban?

0
158

Maxaa kordhiyay Xiriirka Shiinaha iyo Taliban?

Bilihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay cilaaqaadka ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha iyo maamulka Taliban ee talada Afgaanistaan la wareegay Bishii Agoosto 2021 halkaasna kusoo afjarmay joogitaanka askarta Ameerikaanka iyo xulifadii garab taagneed.

Waddamada inta badan xiriirkooda uu xun yahay Mareykanka ayaa durba billaabay in ay xiriir la sameystaan Taliban oo awoodda Afgaanistaan la wareegtay, taasi waxa ay kordhisay in Shiinaha uu ka dhex arko fursad uu cilaaqaad kula sameysanayo.

Kaabuul kuma sugna danjireyaal kala metalaya waddamada kala duwan ee Caalamka oo intii u dambeysay waxa ay ka baxeen Agoosto 2021, Dowladaha Rejada ka qaba in ay safiirro u dirsadaan ayaa danjireyaashooda geeyay dalalka deriska la ah Afgaanistaan.

Wang Yu oo ah Danjiraha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Afgaanistaan ayaa la kulmay saraakiil sar sare oo katirsan Taliban inkasta oo aan lasoo bandhigin waxyaabaha sida rasmiga ah ay uga wadleen mas’uuliyiintaan.

Xubnaha uu sida gaarka ah ula kulmay waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Taliban Ninka lagu magacaabo Siraajudiin Xaqaani oo madaxiisa uu Mareykanka horay u dul dhigay $10 Milyan oo Doollar maadaama Washington ku eedeysay in loo heysto dambiyo kala duwan.

Shiinaha ayaa u arka xiriir la wadaagista Taliban in ay kusoo jiideyso saaxiibtinimo ka dhan ah Mareykanka oo ah dal ay ku xifaaltamaan dhinacyada Militariga, Ganacsiga iyo Horumarka Teknoolajiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here