Maxay Ka Wada Hadlayaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud & Amiirka Qatar Sheekh Tamiim?

0
102

Maxay Ka Wada Hadlayaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud & Amiirka Qatar Sheekh Tamiim?

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dooxa Caasimadda Dalka Qatar ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Amiirka Dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala-taani oo ay kawada hadlayaa xoojinta xiriirka, Iskaashiga, Mashaariicdii horay & mid cusub iyo taageerada Dooxa ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisa ku siman Labo Cisho ayaa Amiirka Qatar waxa ay diiradda saarayaan sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda Xukuumadda Dooxa ay ugu talagashay dhiggeeda Muqdisho.

Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad oo martiqaad u sameeyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay sidoo kale fadhigooda ku gorfeynayaan xoojinta Iskaashiga iyo in Soomaaliya laga taageero dhinacyada ay u baahan tahay in laga garab istaago.

Marka uu soo dhammaado kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya & Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala-taani ayaa lagu wadaa in labada Madaxtooyo ay war kasoo saaraan natiijada kulankaas kasoo baxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here