Maxaa Natiijo ah oo ay kala heystaan Erdogan & Kilicdaroglu?

0
174

Maxaa Natiijo ah oo ay kala heystaan Erdogan & Kilicdaroglu?

Waxaa indhaha lagu wada hayaa natiijada Doorashada ka dhacday Dalka Turkiga, Madaxweynaha Dalkaas Recep Tayyip Erdogan & hoggaamiyaha raba in uu xilka ka marooqsado ee Kemal Kilicdaroglu ayaa kala heysta natiijooyin aanay sidaas u kala fogeyn.

69 jirka 20ka sano maamulaya Turkiga ee Erdogan ayaa helay codad gaaraya 96% (Sagaashan & lex boqolkiiba) sanaadiiqda codadkii la tiriyay, waxa ay taasi gelisay in uu helo niyad iyo kalsooni dheeraad ah.

Codadka uu heysto Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waa 49.44% halka ninka la loolamaya ee lagu magacaabo Kemal Kilicdaroglu uu heysto codad gaaraya 44.86% sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu.

Waxaa weli dhiman codadka ay dhiibteen Jaaliyadda Turkiga ee Dalalka dibadda ah ku maqan kuwaas oo loo ogolaaday in ay ku codeeyaan sanaadiiq loo geeyay waddamada ay ku sugan yihiin, waxaase indhaha lagu hayaa sida ay labadaan Nin u kala heli doonaan codadkaas.

In ka badan 3.4 Milyan oo ruux ayaa codadkooda dhiibtay iyaga oo dibad-joog ah, haddii codadkaas ay ka dhigaan in loo baahdo doorasho ku celis ah waa lagu laaban doonnaa balse haddii uu midkood guusha gacanta ku dhigo dib u codeyntu meesha ayay ka bixi doontaa.Þ

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here