Israa’iil & maleeshiyada Falastiin Islamic Jihad (PIJ) oo ku heshiiyey xabad joojin

0
145

Israa’iil & maleeshiyada Falastiin Islamic Jihad (PIJ) oo ku heshiiyey xabad joojin

Waxaa jirta rajo ah in xabbad joojin ay qabsoonto si loo soo afjaro dagaalka shanta maalmood ee u dhexeeya Israa’iil iyo maleeshiyada Falastiin Islamic Jihad (PIJ) ee Gaza.

Ugu yaraan 33 falastiiniyiin ah ayaa tan iyo talaadadii lagu dilay Gaza, halkaas oo Israel ay sheegtay in ay duqeysay bartilmaameedyada maleeshiyada PIJ.

Gantaal ay Falastiiniyiintu ku garaaceen Israa’iil ayaa dilay laba qof oo mid Israa’iili yahay iyo mid Falastiini ah oo ka shaqaynayey dalkaas.

Dadaallada dhex dhexaadinta ah waxaa garwadeen ka ahaa Masar, taasoo ku boorisay labada dhinac inay u hoggaansamaan heshiiska xabbad joojinta.

Washington ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista xabbad joojinta, waxayna sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay kala shaqeeyeen saaxiibada gobolka si loo gaaro qaraarka.

Isha: BBC

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here