Gud. C/Risaaq Khaliif Oo Faahfaahiyay Kulan Uu La Qaatay Bulshada Buuhoodle.

0
175

Gud. C/Risaaq Khaliif Oo Faahfaahiyay Kulan Uu La Qaatay Bulshada Buuhoodle.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Buuhoodle Cuqaasha, Waxgaradka iyo Cuqaasha Magaaladaas, oo ay ka wada hadleen Xaaladda Iyo duruufaha wakhtigan ka taagan deegaannadaas.

 

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo faahfaahin ka bixinaya kulanka oo la yeeshay Waxgaradka Buuhoodle ayaa yidhi “Waxaan soo gaadhay Magaalada Buuhoodle oo ka mid ah deegaannayda, waxaanay ahayd booqasho caadi ah oo aan halkan ku imid, waxaan la kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka, oo uu u horreeyo Cuqaasha, Culimada iyo waxgaradka, waxaanu iska waraysanaynay danaha deegaanka aanu u dhalanay, xaaladda ay ku jiraan wakhtigan iyo duruufaha iyo xaaladda hadda socda. Waxay ahayd uun si xog waraysi, ka tashaday wixii dantooda ah, wixii ay ka wada hadleen si fiican igu afgartay.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu.

 

Xukuumada Muuse Biixi ayaa eedo kala duwan ujeedisay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif, eedahaasi oo ku saabsan dagaalka Laascaanood oo ay sheegay in Gudoomiye la saftay reerkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here