Duqa Laascaanood Cabdiraxiin Cali: “Ugu yaraan 210 qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyootay dagaalka Laascaanood”.

0
184

Duqa Laascaanood Cabdiraxiin Cali: “Ugu yaraan 210 qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyootay dagaalka Laascaanood”.

Duqa Magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sheegay in dagaalka ka socda Magaaladaas tan iyo 6dii Febaraayo 2023 ay ku dhinteen ugu yaraan 210 qof oo Shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 680 kale.

Cabdiraxiin Cali, Duqa Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ku dhowaad 200,000 (Labo boqol oo kun) oo qof ay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Magaalada Laascaanood kaddib markii uu saameyay Dagaalka.

“210 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 680 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka Laascaanood ee socda 24ka Cisho, dagaalka ayaa dhexmaraya Ciidamada Somaliland & bulshada deegaanka oo garab weyn ka helaya Garaadada dhaqanka” ayuu yiri Duqa Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.

Waxa uu ku baaqay in xal dhab ah loo helo dagaalka Magaalada Laascaanood si ay dib ugu soo laabtaan qoysaska ka baracay oo xaalado adag oo dhanka Nolosha ah wajahaya waa sida uu hadalka u dhigay Duqa Magaalada laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil.

Dagaalka Magaalada Laascaanood ka socda ayaa sababay dhimasho, Dhaawac, Barakac iyo Burburka dhismaha qaar ee xaafadaha Magaaladaas, baaqyo kala duwan ayaa loo jeediyay dhinacyada ku hardamaya gacan ku heynta xarunta Gobolka Sool inkasta oo uu dagaalka weli socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here