Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo Somalia ku dilay Bilaal Al-Sudani

0
136

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo Somalia ku dilay Bilaal Al-Sudani

Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya

Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa shaqsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.

Waxaa lala dilay toban ka mid ah kooxda oo ka tirsaneyd ilaaladiisa.

Saraakiisha ayaa sheegay in lagu dilay dagaal kaddib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku soo dhigaan.

Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ciidamo gaarka ah waxa ay Arbacadii weerar dhulka ah ku qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari.

Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Bilal al-Sudani oo xubin sare ka ahaa Daacishta Soomaaliya iyo dagaalyahanno la socday.

Lloyd Austin ayaa sheegay in Ciidamada ayaa amar lagu siiyay inay noolal ku soo qabtaan Bilaal, balse iska caabin ay sameeyeen dagaalyahannadii uu watay ayaa dhalisay inuu halkaa ku dhinto.

Khubarada amniga ayaa tilmaamay in go’aanka uu Maraykanka ciidan dhulka ah ugu diray buurahaas ay muujinayso muhiimadda ay u lahayd inuu noolal ku qabto Bilal al-Sudaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here