Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Dishay Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka DANAB

0
128

Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Dishay Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka DANAB

Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah waxaa ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen degmada Galcad ee gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug oo maalmo kahor ay la wareegeen ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka.

Weerarka qaraxyada ayaa waxaa lala beegsaday Saldhig ciidamada kumaandooska DANAB ee xoogga dalka ku leeyihiin degmada Galcad, waxaana weerarka kadib dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka culus, sida ay sheegayaan wararka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkii dhacay degmada Galcad, waxaana dadka dhintay ku jira Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure) oo ahaa Taliye ku-xigeenkii ciidanka DANAB, isagoona hoggaamiyay howlgalo ka dhacay Hiiraan iyo Galgaduud.

Taliska ciidanka xoogga dalka iyo maamulka Galmudug ayaan weli wax hadal ah kasoo saari weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Al-shabaab saaka ku qaaday degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, maalmo kahor ayey aheyd markii Al-shabaab lagala wareegay degmadaas.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen iney la wareegeen xerada ciidanka, iyagoo sheegtay iney khasaare ay gaarsiiyeen ciidankii goobta ku sugnaa oo Gorgor iyo DANAB isugu jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here