Hoggaamiyayaal Carbeed Oo Kulan Ka Yeeshay Barwaaqada & Xasiloonida Gobolka

0
160

Hoggaamiyayaal Carbeed Oo Kulan Ka Yeeshay Barwaaqada & Xasiloonida Gobolka

Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta Midowday (UAE), Sheekh Maxamed Bin Zayed Al-Nahyani ayaa waxa uu marti-geliyey kulan wadatashi oo ay ka soo qeyb galeen Madax ka kala socotay 5 Waddan oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Gacanka Carbeed (GCC) iyo dalka Masar.

Kulankaasi oo lagu qabtay Caasimadda Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi ayaa waxaa isku wada arkay Madaxweynaha Martida loo ahaa, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al-Nahyani, Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani, Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil Elsisi, Suldaanka dalka Cumaan iyo xubno kale.

Hadafka Guud ee Shirka wadatashiga ee lixda Hoggaamiye Carbeed waxa uu ahaa inay wada lafa-guraan Ajende Cinwaankiisu ahaa: Barwaaqada iyo Xasilloonida Gobalka

Hoggaamiyayaasha ayaa waxay kaloo isla eegeen xiriirada Walaaltinimo ee u dhexeeya Dowladahooda, gaar ahaan Horumarinta Maalgashiga, Barwaaqada iyo deganaanshaha Mandiqada iyo hawlaha Wadajirka, Iskaashiga iyo Isdhexgalka Bulshada Gobalka.

Hoggaamiyayaasha waxay kaloo isku raaceen ìnay La-Tashiyo ka yeeshaan Arrimaha ku soo kordha Xaallada Mandiqada iyo Caalamka, iyo in la dhowro Deris wanaaga, la ixtiraamo Madax-banaanida dal kasta iyo in laga fogaado Faragelinta Arrimaha Gudaha ee dalal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here