Madaxweyne Erdogan oo ka dalbaday Dalalka Finland iyo Sweden in ay u soo gacan geliyaan 130 qof

0
200

Madaxweyne Erdogan oo ka dalbaday Dalalka Finland iyo Sweden in ay u soo gacan geliyaan 130 qof

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale shuruud adag ku xiray dalalka Finland iyo Sweden oo dadaal badan ugu jira in ay xubin ka noqdaan gaashaanbuurta NATO .

Erdogan sheegay inn dalalka Sweden iyo Finland ka doonayaan marka hore in ay dib ugu soo celiyaan dalkiisa , illaa 130 qof oo ay xukuumadda Ankara ay la xiriirineyso falal argagixiso iyo in ay qeyb ka ahaayeen afgambigii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay.

Madaxweyne Erdogan ayaa baarlamanaka dalkiisa u sheegay in marka hore inta aysan ansixin dalabka dalalka Sweden iyo Filnad ku doonayaan in ay ku biiraan NATO laga rabo in ay fuliyaan dalabkooda ku aadan in ay kusoo wareejiyaan xubnaha ay doonayaan.

Dowladda Turkiga dadka ay dalbaneyso waxaa kamid ah wariye caan ah oo qaatay dhalashada dalka Sweden ,kaa oo maxkamadda sare ee dalkaasi diiday in dib loogu celiyo Turkiga loona gacan geliyo xukuumadda Ankara.

Shuruudan cusub ee Turkuga ku xiray dalalka Sweden iyo Filnad ayaa caqabad cusub ku noqoneysa rejadooda ku aadan in ay xubin buuxda ka noqdaan dalalka ku bahoobay gaashaanbuurta NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here