Tirada Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ku Burburtay Nepal Oo Korortay

0
221

Tirada Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ku Burburtay Nepal Oo Korortay

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 64 qof ay ku dhinteen diyaaradda, sida ay sheegeen booliska.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in dad dhaawacoodu aad u daran yahay oo shilka ka badbaaday loo qaaday isbitaallada.

Diyaaradda Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd magaalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Ra’iisul Wasaaraha Nepal , Kamal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golahiisa wasiirada isla markaana ugu baaqay hay’adaha dowladda inay ka qeyb qaataan howlaha gurmadka ah ee ka socdo goobta ay ku burburtay diyaaradda, waxaana la sameeyay guddi gaar ah oo baara waxa sababay shilka.

Dadka ku dhintay shilkan 53 waxay kasoo jeedaan Nepal, shan waxay u dhasheen Hidiya, Afar waa Ruush halka 2 qofna ay u dhasheen Kuuriya, sidoo kale diyaaradda burburtay waxaa saarnaa muwaadiniin kale oo kasoo jeeday Ireland, Australia, Argentina iyo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here