Ma dhici kartaa in xubinta taranka ragga lagu beero qof?

0
476

Ma dhici kartaa in xubinta taranka ragga lagu beero qof?

Mala iibsan karaa xiniinyaha? Haddii aysan suurtogal ahayn, malagu helayaa qiime aad u sarreeya? Haddii aysan taas dhici karin, qof xiniinyihiisa malagu beeri karaa nin kale?

Su’aalahan ayaa yimid kaddib markii la sheegay in qalliinnada lagu beerayo xiniinyaha lagu sameeyo isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla deegaanka Borella ee dalka Sri Lanka.

Nin ku sugan deegaankaas ayaa warbaahinta u sheegay in qof dallaal ah u uku wargeliyay in hashii xiniin la siinayo lacag ka badan 8,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Haddaba xiniinyaha malagu beeri karaa qof?

Inkastoo kilyaha, beerka, indhaha iyo dhuuxa oo qof lagu beero ay tahay wax caadi ah, haddana waxay dood ka taagan tahay in xiniinyaha lagu beeri karo qof, sababtoo ah waa wax dhif iyo nadir ah.

Marka la eego taariikhda caafimaadka, koox dhaqaatiir caalami ah oo qalliinka sameeya ayaa xiniin laga soo qaaday nin 36 jir ahaa ku beeray nin kale oo ay mataano yihiin. Ninkan oo xiniinyo la’aan ku dhashay ayaa qalliinka beeritaanka oo loogu sameeyay magaalada Belgrade ee dalka Serbia sanadkii 2019 wuxuu qaatay lix saacadood.

Heerka hoormoonka testosterone ee ragga ee labada mataano ayaa caadi ahaa. Waxay sidoo kale dhaqaatiirtu sheegeen in labada ninba ay wax walba caadi u ahaayeen, qalliinka kadib.

Marka la eego taariikhda, xiniinyihii ugu horreeyay ee qof lagu beero waxay ahayd sanadkii 1978.

Marka la eego dalalka sida Mareykanka, in la iibiyo xiniinyaha waa sharci darro.

Baraha bulshada waxaa ku baahayay in xiniinyaha lagu kala iibsado kumannaan kun oo doollar.

Inkastoo ay jireen warar sheegaya in hal xiniin lagu iibiyay 35,000 oo doollar si loogu sameeyo baaritaan sayniseed, warbaahinta caalamka ayaa baahisay inaan wax war ah laga heyn cidda lacagtaas la siiyay.

Waa kiisas dhif ah in baarayaasha caafimaad ay lacag ku bixiyaan in dadku ay ka qeyb qaataan daraasad. Si kastaba, warar kale ayaa sheegaya inay naadir tahay in marka horeba ay baarayaashu u baahdaan xiniin si ay baaritaan ugu adeegsadaan.

Dhaqaatiir codsaday inaan magacooda la sheegin, ayaa sheegay inaysan micno sameyneyn in qof lagu beero xiniinyo sidoo kalena uu ku bixi karo kharash badan.

 

SRC: bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here