Madaxwayne Putin: Ma Waalnin Laakin Khatarta Isticmaalka Nukliyeerka Sare ayay u sii kacaysaa

0
180

Madaxwayne Putin: Ma Waalnin Laakin Khatarta Isticmaalka Nukliyeerka Sare ayay u sii kacaysaa

Vladimir Putin waxa uu sheegay in khatarta dagaal Nukliyeerka ah ay kor u sii kacayso, balse waxa uu ku adkaystay in Ruushku “uusan waalnayn” oo aanu marka hore isticmaali doonin hubkiisa Nukliyeerka.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ku adkeystay in dalkiisa uu isticmaali doono oo kaliya hubka wax gumaada si uu uga jawaabo weerar lagu soo qaado.

Isagoo ka hadlayay shirka sanadlaha ah ee golaha xuquuqul insaanka ee Ruushka, wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalka Ukraine uu noqon karo “mid daba dheeraada”.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa aaminsan in Putin markii hore u qorsheeyay inuu gaaro guul degdeg ah.
Awooda Ruushka ee adeegsiga hubka nukliyeerka ayaa si weyn loo baaray tan iyo markii uu gudaha u galay Ukraine bishii Febraayo.

“Khatarta noocan oo kale ah waa ay sii kordheysaa, waa khalad in la qariyo,” Putin ayaa ka digay mar uu ka hadlayay rajada dagaal dhanka nukliyeerka.

Laakiin waxa uu sheegay in Ruushku “xaalad kastaba” aanu marka hore isticmaali doonin hubka, isla markaana aanu cidna ugu hanjabin hubkiisa Nukliyeerka.

“Ma aanan waalan, waanu ka warqabnaa waxa uu yahay hubka Nukliyeerka,” ayuu yiri.

Putin waxa kale oo uu ku faanay in Ruushku haysto hubka Nukliyeerka ah ee ugu casrisan dunida, waxaanu sheegay in istiraatijiyaddiisa Nukliyeerka ka duwan yihiin kuwa Maraykanka – oo uu sheegay inay Mareykanka uu hubkiisa Nukliyeerka geeyay dhulal kale.

Putin ayaa ku andacoodey in illaa hadda boqol iyo konton kun (150,000) oo askari loo diray Ukraine – kala bar tirada guud ee la uruuriyey. Waxa uu mar kale isku dayey in uu duullaankiisa ku tilmaamo mid difaac ah, oo ka dhan ah waddamada reer galbeedka, oo uu sheegay inay u malaynayeen in Ruushku aanu xaq u lahayn in uu jiro.
Putin ayaa horey ugu adkeystay in hubka Nukliyeerka ee Ruushka loo isticmaali doono oo kaliya in difaaca dalkani loo adeegsado.

Isagoo u muuqda inuu aqoonsan yahay in qorshihiisii ahaa inuu ku guulaysto maalmo gudahood duulaanka Ukraine uu fashilmay, Putin wuxuu qirtay in dagaalku uu noqon karo “mid waqti dheer qaata”.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in natiijadu dagaalka durbaba ay soo baxey – tusaale ahaan, dhulalka cusub ee Ruushku uu si sharci darro ah u sheegtay, kadib afti been abuur ah oo laga sameeyay afar gobol oo katirsan dalka Ukraine.

Waxa uu ku faanay in soo goosashada ay ka dhigtay Badda Azov – oo ay xad la wadaagto koonfur-bari Ukraine iyo koonfur-galbeed ee Ruushka – isagoo intaa ku daray in tani ay tahay hamiga Ruushka ee soo celinta dalweynihii Ruushka. Madaxweyne Putin ayaa waxa uu is barbar dhigay madaxweynihii qarnigi 17aad iyo 18aad ee kal hore.

Laakiin – inkastoo ay sheeganayaan gobollada Kherson, Zaporizhzhia, Luhansk iyo Donetsk inay yihiin dhul Ruush ah – Ruushku ma xukumo qaybo badan oo ka mid ah goobahani.

Bishii hore, ciidamada Ruushka ayaa lagu qasbay inay ka baxaan magaalada Kherson, oo ah caasimadda kaliya ee gobolka ee ay qabsadeen, tan iyo duulaankii Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here