Magaalada Rabat oo aan laga jiifan kaddib guusha Xulka qaranka Morocco ay ka gaareen Spain una gudbeen 8 dhammaadka Koobka Adduunka 2022.

0
233

Magaalada Rabat oo aan laga jiifan kaddib guusha Xulka qaranka Morocco ay ka gaareen Spain una gudbeen 8 dhammaadka Koobka Adduunka 2022.

Xulka Qaranka Morocco ayaa guul muhiim u ah ka gaaray waddanka ay xadka wadaagaan ee Spain kaddib markii ay isku wajaheen wareegga 16ka ee Koobka Adduunka 2022 oo labada xul midkood uu ku qasbanaa in uu u gudbo wareegga xiga ee 8 dhammaadka.

Ciyaarta oo ku dhammaatay Gool ku laad (Rigooro) maadaama ay isla dhaafi waayeen goolal la’aan 90ka daqiiqo ee sharciga ah, daqiiqada kooban ee lagu daray & 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo ugu dambeyn loo baahday in gool ku laad lagu kala baxo.

Magaalada Rabat ee Caasimadda Morocco waxaa xalay qabsaday dabbaaldegyo waaweyn oo ay dhigeen taageerayaasha Xulkaas iyaga oo horay usoo qaatay sawirro muujinaya sida uu dalkaan ugu heelan yahay hanashada koobka Adduunka 2022.

Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Rabat waxaa lagu arkayay Gawaari lagu xardhay calanka Morocco, Dad lugeynaya oo qaarkood watay Koobka Adduunka & Goobaha Dadweynaha isugu tagaan oo shaashadaha lagala socday ciyaarta.

Morocco waa xulka keliya ee Afrika ah ee ku harsan Koobka Adduunka 2022 ee sanadkaan lagu qabtay Waddanka Carbeed ee Qatar kaddib markii tartanka laga reebay Xulalka Senegal, Cameroon, Tunisia & Ghana.

Dhanka kale, Morocco oo kamid ah waddamada Carabta ayaa hanatay taageerayaasha xulalka waddamada Carbeed ee isaga haray u tartamidda Koobka Adduunka 2022 inkasta oo uu dalkaas ku beegmay Portugal oo labadooda xulkii badiya usii gudbaya 4 dhammaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here