Shacab Lagu Laayay Qarax Ka Dhacay Gobolka Baay.

0
275

Shacab Lagu Laayay Qarax Ka Dhacay Gobolka Baay.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa Miino wadada lagu qariyay ayaa qabsatay Mooto Bajaaj ay dad shacab ah saarnaayeen, taasoo mareysay deegaanka Ceeldheere ee hoostaga degmada Bardaale.

Sida wararku sheegayaan, inta la ogyahau Saddex qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahna la geeyay magaalada Bardaale.

Ciidamadda dowladda iyo kuwa maamulla Koofur Galbeed ayaa gaaray deegaanka uu qaraxa ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgallo, waxeyna ku raad joogaan kooxihii qaraxa miinada ah wadada galisay.

Majirto wali wax war ah oo saraakiisha ciidamadda maamulka gobolka Baay ay ka soo saareen weerarkan, waxaana aagga uu qarraxa la dhacay ay kamid tahay meelaha uu ka socdo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here