Mareykanka oo maanta dib u xusuusanaya 21 sano guurada kasoo wareegtay weerarkii lagu burburiyay Daarihii Ganacsiga ee New York & Washington.

0
252
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Mareykanka oo maanta dib u xusuusanaya 21 sano guurada kasoo wareegtay weerarkii lagu burburiyay Daarihii Ganacsiga ee New York & Washington.

Mareykanka ayaa maanta dib u xusuusanaya weeraradii loo adeegsaday Diyaaradaha ee lagu burburiyay Daarihii Ganacsiga ee New York & Washington oo ay ku geeriyoodeen 2996 ruux sida ay sheegtay Dowladda.

Dadka dhintay waxaa kamid ah 19 ruux oo fuliyay weerarkaan kuwaas oo afduubtay Diyaaradaha ay ku dhufteen dhismaha dhaadheer oo xiligaas ay ku sugnaayeen u tagay in ay kasoo dukaameystaan.

Mareykanka waxa uu xabsiyada u dhigay Dad ku eedeysan weerarkaan iyo kuwo kale oo sheegay in ay gacansaar la lahaayeen, halka uu ku duulay waddamo kale oo uu u arkay in ay gabbaad siinayaan dadkaas.

Ehelka dadka dhibaatadu gaartay ayaa sanad weliba isugu taga goobo ay ku xusuusanayaan Dadkooda, Madaxweynaha Mareykanka ayaa fariin ku saabsan xusuustaas & go’aamada maamulkiisa jeediya.

Al-Qaacida oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegtay in ay ku dishay Dad ka badan tirada Dowladda Mareykanka shaacisay halka ay gaartay bartilmaameedkii howlgalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here