Maxay isku fahmeen Booliiska & Duuliyaha ku goodiyay in uu Diyaaradda ku ridayo Dukaamada Walmart?

0
218

Maxay isku fahmeen Booliiska & Duuliyaha ku goodiyay in uu Diyaaradda ku ridayo Dukaamada Walmart?

Duliye saacado ku dulwareegayay magaalo ku taal gobolka Mississippi ee waddanka Mareykanka, kuna goodiyay inuu diyaaraddiisa ku dhufan doono laan ay halkaas ku leeyahay shirakadda Walmart ayaa waxa uu diyaaraddii ku soo dajiyay si nabad ah kaddib markii ay wadahadleen booliska.

Barasaabka gobolka Tate Reeves, ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay farriin uu ku sheegayo in aanay jirin cid dhaawacantay, isagoo dhanka kale u mahadceliyay ciidammada ammaanka ee magaalada Tupelo.

Walmart iyo dukaammada ka ag dhow ayaa goor sii horraysay dadkii laga daadgureeyay, halka muwaadiniinta la waydiistay inay aaggaasi ka fogaadaan. Faahfaahin ku saabsan wadahadalka dhexmaray duuliyaha iyo booliska intii uu hawada ku jiray ayaanan isla markiiba la shaacin.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, warbaahinta maxalliga ah ayaa waxa ay tebinaysaa in duuliyaha la xiray kaddib markii uu diyaaradda soo dajiyay.

Booliska ayaa markii hore abaare 05:00 waqtiga maxalliga ah ee Sabtidii (10:00 GMT) waxaa lagu wargeliyay diyaarad ku dulwareegayso magaalada, sida lagu sheegay bayaan goor hore soo baxay. Waqtigaasi, booliska ayaa xaaladda waxa ay ku tilmaameen “mid aad halis u ah”.

Bayaanka ayaa waxa uu intaasi ku daray in diyaaraddu ay suuragal aheyd inay aheyd nooca “King Air” iyagoo ku tilmaamay inay tahay diyaarad yar.

Duuliyaha ayaa la sheegay inuu la xiriiray E911 – oo ah nambar loogu talagalay inay wacaan dadka ay xaaladaha degdega ah haystaan – kaddibna uu jeediyay handaaddiisa ah inuu doonayo inuu diyaaradda ku dhufto dukaanka Walmart.

Leslie Criss, oo ah weriye maxalli ah, ayaa waxa ay u sheegtay wakaaladda wararka ee The Associated Press in aanay weligeed waxaas oo kale magaalada ku arkin, dhacdaduna ay aheyd “mid lagu cabsi geliyay in dadka magaalada ay sidaas ku soo toosaan subaxii Sabtida”.

Isha: BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here