Goormaa ayaa la soo gabagabeynayaa dhageysiga dacwadda doorashada Kenya?

0
219

Goormaa ayaa la soo gabagabeynayaa dhageysiga dacwadda doorashada Kenya?

Garsoorayaasha maxkamadda sare ayaa ku howlan dhageysiga dacwadda doorashada salka ku hayso oo ay u gudbiyeen musharrixiinta madaxtinimada dalka Kenya u loollameysay.

7-da garsoore ee dhageysaneyso dacwadda ayaa la filayaa maanta gelinka dambe iney dhageysiga soo gabagabeeyaan kaddib marki ay soo gabagabeeyaan dhageysiga su’aalaha la weydiinaya xubnaha guddiga doorashada ee madaxa bannaan iyo qareennada u doodaya madaxweynaha dooran ee William Ruto.

Sida oo kale waxay garsoorayaashu maanta dhageysanayaan garnaqsiga ay qodobbada qaarkood ka soo jeedinayan qareennada u doodaya Raila Odinga oo horay maxkamadda looga soo gudbiyey.

Garasoorayaashu waxay sida oo kale maanta warbixin ka dhageysanayaan guddi farsmo oo loo saaray iney dib u eegis ku sameeyaan codadka 15 goob doorashada oo codadki laga dhiibtay tirintooda su’aal laga keenay.

Toddobaadka soo socda ayaana la filayaa iney garsoorayaasha maxkamadda sare ee Kenya go’aan kama dambeysa ah ka soo saaraan dacwadda doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here