Israa’iil Oo Gaza Ku Dishay Sarkaal Sare Oo Falastiini Ah Iyo Dad Shacab Ah

0
347

Israa’iil Oo Gaza Ku Dishay Sarkaal Sare Oo Falastiini Ah Iyo Dad Shacab Ah

Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay weerarayaan meelo ka tirsan Gacanka Gaza iyagoo ka jaaabaya khataro uga imaanaya kooxaha dagaallamaya ee halkaasi ku sugan.

Ugu yaraan siddeed Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan ilmo yar iyo taliyaha kooxda jihaad-doonka Falastiiniyiinta ee (PIJ), ayaa la dilay, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Gaza.

Waxay daba socotaa maalmo xiisado ay ka jireen halkaas kaddib markii Israa’iil ay xirtay xubin sare oo ka tirsan PIJ oo ku sugnaa Daanta Galbeed.

Ururka PIJ ee fadhigiisu yahay Gaza ayaa ku hanjabay inuu ku aargoosan doono weerar uu ku qaado bartamaha Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in “tururrada argagixisada ay dejiyaan ajandaha”.

Afar ka tirsan kooxda PIJ – oo uu ku jiro taliyaha, Tayseer Jabari – iyo gabar shan sano jir ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay duqeymaha, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here