Maxay Tahay Sababta Uu Madaxweynaha Ukraine Xaaskiisa Ugu Diray Mareykanka?

0
341

Maxay Tahay Sababta Uu Madaxweynaha Ukraine Xaaskiisa Ugu Diray Mareykanka?

Marwada koowaad ee Ukraine, Olena Zelenska, ayaa Maraykanka u joogta shirar heersare ah oo xiriir ah iyadoo khudbad u jeedisay Congress-ka.

Booqashadeeda ayaa ku soo beegantay afar bilood ka dib markii ninkeeda, Madaxweyne Volodymyr Zelensky, uu khudbad fogaan-arag ah u jeediyay Congress-ka, isagoo raadinaya qalab milatari oo dheeraad ah.

Sida uu Aqalka Cadi sheegay Ms Zelenska ayaa Isniintii la kulantay Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken waxaana lagu wadaa in ay wadahadal la yeelato dhigeeda Jill Biden Talaadada.
Waxaa lagu wadaa in xildhibaannada ay khudbado ugu jeediso Capitol Hill Arbacada.

Kulanka Talaadada ayaa noqon doona markii labaad ee ay kulmaan labada marwo koowaad, ka dib markii Dr Biden uu booqasho aan la shaacin ku tagay Ukraine bishii May.

Ms Zelenska jago rasmi ah kama hayso dawlada Ukraine. Balse ka dib ku dhawaad shan bilood oo uu Ruushku ku jiray dagaalka Ukraine, Kyiv waxa ay aad u danaynaysaa in ay caawimo milatari iyo taageero siyaasadeed oo dheeraad ah ka raadsato Maraykanka.

Koongareeska ayaa horey Ukraine ugu ansixiyay ku dhawaad $40bn oo gargaar ah taas oo lagu wado in si buuxda loo gaarsiiyo dhammaadka Sebtembar.

Isniintii, Ms Zelenska ayaa sidoo kale la kulantay Samantha Power, oo ah madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka.

Hay’adda ayaa balaayiin dollar siisay dowladda Ukraine, si ay uga taageerto baahiyaha bini’aadantinimo, iyo sidoo kale ka shaqaynta sidii wax looga qaban lahaa cunto yarida adduunka oo uu sii xumeeyay dagaalka Ruushku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here