Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal U Diray Ummada Muslimiinta

0
3940

Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal U Diray Ummada Muslimiinta

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1443-ka oo maalinta berri ah ku beegan.

Madaxweyne Biixi ayaa u rajeeyay shacb weynaha in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda Ciidal Adxa awgeed.

Maalinta berri oo sabti ah ayey ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciiddul Adxaa, iyadoona Maanta Xujeyda Muslimiinta ay taagan yihiin Banka Carafo, waana sanadkaan acmaasha Xajka gudanaya hal malyan oo qof oo xujey ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here