Somaliland Oo Dambi Ku Weyday Nin Lagu Eedeeyay In Uu Aflagaadeeyay Madaxweynaha Jabbuuti

0
229

Somaliland Oo Dambi Ku Weyday Nin Lagu Eedeeyay In Uu Aflagaadeeyay Madaxweynaha Jabbuuti

Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda”

Maxkamadda ku taalla degmada Gabilay ee Somaliland ayaa maanta wax dambiya ku wayday Aarre Sulaymaan Cawleed, oo lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil cumar Geelle.

 

Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda, lamana sii dayn Aarre Sulaymaan.

 

Aarre Cawleed, ayaa ah mu’waadin reer Jabbuuti ah balse sannadii la soo dhaafay ku noolaa Somaliland. waxana uu inta badan dhaliilaa hannaanka uu Jabbuuti u maamulo madaxweyne Geelle.

Waxyaabaha lagu eedeeyay Aarre, waxa ka mid ah in uu” Dilaa” ku tilmaamay madaxweyne Geelle iyo in uu qoyskiisa aflagaadeeyay balse dhammaan eedahaasi Maxkamaddu way ku wayday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here