Nin Soomali Ah Oo Si Layaab Leh Lacag Badan Looga Dhacay Iyo Cida Ka Dhacday Lacagta

0
336

Nin Soomali Ah Oo Si Layaab Leh Lacag Badan Looga Dhacay Iyo Cida Ka Dhacday Lacagta

Faarax Bashir ayaa wali layaaban khayaanada ay burcada interneetka, ay gebi ahaanba ku dhacaeen lacagtii ugu jirtay Bankigiisa iyo lafta taleefonkiisa, wax ka yar uun laba maalmood ka dib markii uu ka degay magaalada Johannesburg oo uu hawlo laba toddobaad ah u joogay bishii February.

Faarax ayaa si xanuun badan uga sheekeeyey sida uu u daawaanayay markii ay tuugada akoonadiisa kala baxayeen ila 2.6 milyan oo lacagta Kenya ah (23000 dollar) isagoo aan waxba ka qaban karin intii u dhaxaysay February 7 ilaa 9 February.

Arrintan ayaa dhacday kadib markii ay tuugada si farsameysan ula wareegeen macluumaadka dhibanaha kadibna ay sidaasi ku dhaceen lacagtiisa.

Bankiga ABSA oo uu Farah akoonada uga furnaayeen ayaa yiri”waxaan ku guuleysanay inaan soo celino ilaa 500,000.009 KSH (5000dollar) oo kaliya waxaana ku shubnay lacagta akoonka Farah 7-dii Maarso balse Nasiib daro lacagihii kale waa la isticmaalay” .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here