Putin oo Faransiiska & Jarmalka uga digay hubka ay siinayaan Ukraine.

0
349

Putin oo Faransiiska & Jarmalka uga digay hubka ay siinayaan Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay Madaxda Dowladaha Faransiiska iyo Jarmalka oo taageero hub siinaya Dowladda Ukraine ee dagaalka xooggan kala dhaxeeya Dalkaas.

Putin ayaa hoggaamiyaasha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Jarmalka Chancellor Olaf Scholz ugu baaqay in ay ka joogsadaan hubka sida indha la’aanta ay ugu dirayaan Ukraine sida uu sheegay sarkaal katirsan Ruushka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa muddo 80 daqiiqo ah ka sheekeestay sidii loo damin lahaa xiisadda colaad ee ka dhex aloosan Ruushka iyo Ukraine.

Kremlin, ayaa ku dooday in duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukriane 24-Feb-2022 uu ahaa mid ka dhashay dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Kyiv ee halista gelin kara Moscow sidaas awgeed laga fursan waayay duullaanka.

Waxaa hakad galay wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladaha Ruushka iyo Ukraine todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaa xooggeystay dagaalka ka socda gobollada Ukraine oo qaarkood ay isaga baxeen Ciidanka Dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here