Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Gabar Loogu Geystay Magaalada Hargeysa

0
426

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Gabar Loogu Geystay Magaalada Hargeysa

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo loo geystay Gabar kamid ah aheyd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Maamulka Somaliland.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Najma Cabdullaahi, isla markaana waxaa toogtay Askari ka tirsan Ilaalada Maxkamadaha Hargeysa, waxaana falkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Askariga iyo gabadha uu muran soo kala dhex-galay.


HomeWarar
Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Gabar Loogu Geystay Magaalada Hargeysa
On May 3, 2022

11
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil fiidnimadii xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo loo geystay Gabar kamid ah aheyd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Maamulka Somaliland.

Gabadha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Najma Cabdullaahi, isla markaana waxaa toogtay Askari ka tirsan Ilaalada Maxkamadaha Hargeysa, waxaana falkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Askariga iyo gabadha uu muran soo kala dhex-galay.

RELATED POSTS
Al-Shabaab Oo Saaka Weerar Ku Bilowday Qaraxyo Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan Sh/Dhexe

May 3, 2022
Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 2/05/2022

May 2, 2022
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Oo Cambaareeyay Eedeyn Loo Jeediyay

May 2, 2022
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in gabadha oo wadatay gaari ay ku baakintay meel ku dhow Xarunta Maxkamadaha Magaalada Hargeysa, kadibna uu muran kooban dhexmaray Askariga iyo Najma, balse Askariga uu rasaas Najma uga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoo markii dambena geeriyootay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay Askariga falka geystay, kaasi oo isku dayey inuu baxsado, waxaana lagu xiray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal dil ah, in kastoo dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay ku yaryihiin Magaaladaas, waxaana Najma Cabdullaahi kamid aheyd shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here