Warbaahinta Iyo Howlwadeennada Baarlamaanka Oo Loo Diiday In Ay Galaan Afisyooni

0
456

Warbaahinta Iyo Howlwadeennada Baarlamaanka Oo Loo Diiday In Ay Galaan Afisyooni

Waxaa saaka Xaalad kacanaan ah laga dareemayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha loogu talgalay in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad oo maanta loo madalsanaa doorashada Guddoonka Golaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku aaddan doorashada Guddoonka ayaa sheegaya in Xarunat loo qorsheeyay doorashada manta aysan ilaa iyo hadda ka socon wax dhaq-dhaqaaq doorasho ah.

Sidoo kale wararka aynu helayno ayaa tilmaamaya in  Warbaahinta iyo hoolwadeenada Baarlamaanka in saakay loo diiday in ay tagaan hoolka Teendhada Afisiyooni oo lagu qaban lahaa doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka 11 aad.

Ammaanka Tendhada ayaa waxaa gacanta ku haya sida la sheegayo  Saraakiisha ATMIS ee holwgalka Midowga Afrika, kuwaasi oo diiday in Gudaha loo galo xarunta manta loogu ballansanaa doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 11aad ee Dowlaadda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa kud araya in Saraakiisha  ay warbaahinta iyo shaqaalaha ku wargeliyeen in ay dib ugu noqdaan guryahooda madaama la diiday in la gudbo, oo xarunta laga sii billaabo diyaargarowga doorashada.

Saxafiyiin iyo Howlwadeenno saaka isku dayay in ay xarunta galaan ayaa lagu wargaliyay in aysan jirin Cid gudaha u gali karta Afisyooni, iyadoo Saraakiisha Ciidanka Booliska ee jooga jeneral kaahiye ay warbaahinta ku war galiyeen in ay xarumahooda ku laabtaan iyaga oo sheegay in aysan jirim wax shaqo ah oo jira oo ay ogyihiin iyaga.

Dhanka kale waxaa socda dadaallo lagu doonayo in howlwadeenada iyo Warbaahinta loogu fasaxo gudaha, inkastoo wali xal dhab ah aan la gaarin arrintuna ay tahy mid cakiran.

Xaaladda doorashada Golaha shacabka oo manta loo madalsanaa ayaa haatan u muuqata mid aan gabi ahaanba suurta gal ahayn, maaddaama Khilaafkii ugu xogganaa uu taagan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here